WARARKA SOOMAALI

Maamulka Jubaland oo tageeray dalabkii aqalka sare ee shirka Madaxda Federaalka & Maamulada.

Muqdisho (HM)-Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay inay aqbashay inay qeyb ka noqoto guddi uu dalbay xafiiska Madaxweynaha inay diyaariyaan kulamo looga tashanayo masiirka dalka, maadaama lagu jiro xilli xasaasi ah.


War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland ka qeyb gashay saddex shir  looga arrinsanayay qaabka ugu habboon ee lagu qaban karo shirka wadatashiga Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, hase ahaatee nasiib darro uu shirkaas oo hoggaaminayay Xafiiska Madaxweynaha  aan wax natiijo ah laga gaadhin, isla markaana wax laga xumaado ay tahay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aheyd in si joogto u kulmaan aanay muddo labo sano ah kulmin.

Jubbaland ayaa isaga baxday guddigii farsamo ee ka qeyb qaadanayay shirarkii dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ku qabsoomay dhanka qadka muuqaalka ee Zoomka

Sidoo kale Jubbaland ayaa boggaadisay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa muhiimadda ay leedahay doorasho la wada ogol yahay ay waqtigeeda ku qabsoonto, iyagoo ku dhiira geliyay in Ra’iisul Wasaaruhu uu guto waajibkiisa.

Waxaa kaloo ay soo dhoweeyeen go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare shalay ka soo yeedhay ee ahaa in la qabto shir wadatashi degdeg ah oo heer Qaran ah oo la isugu yimaado ka hor 25-ka bisha June.

Horufadhi News

Warqada.

SOMALI NEWS

To Top