WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo eedeyn culus u jeediyey Madaxda Dowladda Federaalka-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ee xarunta dalka ayaa si adag uga hadlay xaaladda dalka.

Labadan hoggaamiye ee hore dalka usoo maray oo ka wada tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay ku eedeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu ka gaabiyay masuuliyadda lagu aaminay gaar ahaan maareynta bay yidhaahdeen Marxaladda kala guurka ee doorashooyinka, xidhidhka Maamul goboleedyada iyo hirgelinta federaalka, xidhiidhka wadamada gobolka gaar ahaan cilaaqaadka iyo isku-milanka dalalka Eratariya, Itoobiya iyo Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif ayaa waxay si wadajir u soo dhoweeyeen War-saxaafadeedkii Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada ay kulan deg deg ah iskugu yimaadaan si looga arinsado xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyneyaashii hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu shacabka la hadlo, waxay ku adkeeyeen inaan lala sugi doonin inta uu muddo xileedkiisa sharciga ah dhamaanayo.

Shiikh Shariif ayaa isagu si gaar ah ugu eedeeyey madaxda dalka iney doonayaan doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo, iyagoo aan diyaarin siyaasad, amni iyo nidaam lagu wajaho.

Horufadhi News

Wararkii ugu dambeyay ee dalka

SOMALI NEWS

To Top