WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo cadeeyay mowqifkiisa Doorashada Soomaaliya xili shaki weyn jiray-Video+Warbixin

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta ka jeediyey khudbad xasaasi ah kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in doorashada dalka ay ka dhaceyso waqtigii loogu tala galay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ay ka dhaceyso dalka xiligii horey loo qorsheeyay, waxa uuna meesha ka saaray shakiga la galinayo in doorashada dalka dib loo dhigayo, shakigaas oo ay baryahanba qabeen daneeya,yaasha siyaasada Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Xisbiyada Dalka iyo Beesha Caalaamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumada uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayre in ay ka shaqeyso sidii doorashada si xasilooni ah uga dhici laheyd dalka waqtigii loo qorsheeyay, waxa uuna cadeeyay in doorashada dalka ka dhaceysa ka duwanaan doonto kuwii hore sida uu ku nuux nuux saday Madaxweyne Farmaajo.

”Sida aan la socotaan qaabka doorasho walbo oo dalka ka dhacday waa ay ka duwaneyd tii ka horeeesay,  waxaana noo muuqata in doorashadan ka duwanaan doonto kuwii ka horeeyay, waxaa la joogaa xiligii umada Soomaaliyeed dib u hanan lahaayeen codkooda ayna dooran lahaayeen Xisbiga iyo dadka ay rabaan” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Sawir ka turjumaya Doorashada Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan doorashada dhaceysa ayna u soo baxaan sidii ay u dooran lahaayeen xisbiga iyo kooxda ay markaasi rabaan.

Farmaajo ayaana cadeyn in doorashada Soomaaliya ka dhaceysa dhawaan noqon doonto qof iyo cod iyo in kale, balse waxa uu cadeeyay Madaxweynaha kaliya in doorashada Soomaaliya ay ku dhaceyso waqtigeeda.

Hadalkan kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya shakigii laga qabay in dib u dhacdo doorashada ay bilooyinka ka hadhsan tahay iyo shaki kale oo laga muujinayay in dowlada mudo kororsi qorsheeneyso.

Horuadhi News

Maanta Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

SOMALI NEWS

To Top