WARARKA SOOMAALI

Puntland oo sheegtay inay dishay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug-Akhriso

 Garoowe (HM) -Hawlgal qorshaysan oo ay maanta si wada jir ah uga fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ciidamada Amniga maamulka Puntland iyo ciidanka Danab qaybtooda 21-aad ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in lagu dilay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug oo ay dabagal ku hayeen ciidamada.

Qoraalka kasoo baxay taliska ciiddanka PSF Puntland ayaa lagu sheegay in ninkaan ka dambeeyey qaraxyo badan oo lagu diley masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug, haddana qorshaynayey in uu fuliyo qaraxyo kale.

Ciidanka PSF iyo Danab 21 waxay u mahad-celiyeen shacabka Soomaaliyeed ee sida dhow ula shaqaynaya ciidamadooda,iyagoo sheegay inay ka heleen xog muhiim ah ayaa lagu yidhi qoraalka.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay inay qaadi doonto tilaabo ay ugu aar gudayso dilkii gudoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur Yare, oo bishii May lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo Al-shabaab soo abaabuleen isla markaana lagula eegtay xarunta Gobolka ee Gaalkacayo xili uu kasoo baxay shaqada.

Horufadhi News

Sawirka ruuxa Puntland shaacisay.

SOMALI NEWS

To Top