Hargeysa (HM)-Banaabaxyada ka soconaya dalka Jabuti ayaa markii igu horaysay ka bilowlday muuqaal uu Xabsiga isaga soo dhex duubay duuliye hore Fu’aad Yuusuf Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti muuqaalkaas oo Soomaalida murugo ku abuuray kadib markii Bulshadu isla dhex qaaday isla markaana si weyn uu uguu faafay Baraha Bulshada.
Taliye Fu,aad ayaa waxaa uu sheegayaa sida ka muuqataba muuqaalka uu soo duubay in Xabsiga ay ku haysato xaalad nololeed mid igu adkayd isla markaana wuxuu shacabka dalka Jabuuti ugu baaqayaa inay ka dhiidhiyaan wax uu ugu yeedhay cadaalad daro gaamurtay iyo xaalad adag oo ka taagan Dalkiisa Jabuuti.
Intaasi kadib waxaa bilowday kacdoon xooggan iyo mudahaarado ka bilowday dalka Jabuuti kuwaas oo dadka reer Jabuuti ay cadaalad uga dalbayaan Taliye Fu,aad Dowladda Jabuuti.
HALKAN KA DAAWO VIDEO XOGTA
Banaanbaxayaasha ayaa ku fiday inta badan Magaalada Caasimadda ee Jabuuti ee xarunta dalka iyagoo dadku ay Dowladda si weyn ugu dhaliileen Tallaabada ay ka qaaday Taliyahan iyo xaalada uu ku sugan yahay oo ah mid adag.