Hargeisa ( HM ) –Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa u Hanjabay Shacabka , kadib Banaanbaxyo ka dhacay Qaybo kamid ah dalka Jabuuti, kuwaasi oo lagu dalbanayey inuu Cadaalad ku helo Duuliye Fu’aad oo ka tirsanaa ciidamada Cirka ee Jabuuti, Islamarkaana dhowaan Xabsiga muuqaal kasoo duubay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka arimaha Gudaha Muumin Axmed ayaan ka hadlin Arinta Fu’aad Balse wuxuu Fariin iyo digniin u diray shacabka dhigay Banaanbaxa, wuxuuna xusay inay tallaabo ka qaadi doonaan.
“Amniga inuu Qofna ku Xadgudbo ma Ogolaan doono, Waxaan dadka leeyahay is waydiiya Halkee ayaad ku socotaan, Dawladnimada Nidaam ayay leedahay, Wadanka sharci ayuu leeyahay , ma jirto Qof ka sareeya Sharciga, Qofkasta oo sharciga ku Xadgudba waa lasoo qaban doonaa”. Ayuu yidhi wasiirku..
Xigasho: Kalshaale.com