Laascaanod ( HM) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, Kaasi Gaadhigiisa loogu xidhay Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaa la Qaxiijiyey inuu Qaraxaasi ku Geeriyooday Marxuum Xasan Shiikh Maxamuud oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda ee Gobolka Sool, oo Qaraxa loogu xidhay Gaadhigiisa.
Ilaa hada lama Oga Cida ka dambaysa Qaraxa lagu xidhay Gaadhiga, Waxaana sidoo kale Horay magaalada Laascaanood loogu dilay Masuuliyiin kala duwan.