WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Xaaladda Hargeysa oo kacsan & Ciidamadii ugu badnaa oo la dul dhigay xarunta Xisbiga Waddani-Video

Laascaanood (HM)-Magaalada Caasimada u maamulka Soomaliland waxaa ilaa maanta ka taagan xiisad siyaasadeed oo xoogan kadib markii uu hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Soomaliland Cabdiraxmaan Cirro uu shacabka Soomaliland ugu baaqay banaanbax ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi, maalinta Berita ah.

Warar goor dhow soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamo boolis ah la dul dhigay xaruntii guud ee xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa, taas oo sii hurisay xiisad siyaasadeed ee ka huraysa magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka iskii ugu dhawaaqay madaxbanaanida. masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada iyo siyaasiyiin ayaa ku baqay in xaalada la dejiyo halka qaar kale hanjabaad xoogan u jeediyen Cirro iyo xisbi siyaasadeedkiisa.

Afhayeenka Xisbiga Wadani ee Soomaliland Barkhad Jaamac Batuun oo isna dhankiisa goor dhow warbaahinta madaxa banaan kula hadlay Hargeysa wuxuu xukuumada ugu baaqay in ay deg deg uga qaado Ciidamada ay dul dhigtay xarunta Xisbiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhanka kale Maayarka Caasimada Hargeysa ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Soolteco oo goor sii horaysay la hadlay warbaahinta wuxuu ku goodiyey in dhibaato kasta oo ka dhalata banaanbaxa uu qaadi doono Cabdiraxmaan Cirro.

Xiisadda siyaasadeed ee ka holcaysa maamulka dhaca waqooyiga Soomaaliya ayaa imaanaysa iyadoo khilaaf xooggan ka taagan yahay gudiga doorashada ee maamulkaas, sidoo kalena ay eedaymo xooggan oo hab maamulka, hoggaaminta iyo xaquuqul iinsaanka ay dul hogganayaan hoggaamiyaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi.

Horufadhi News

 

SOMALI NEWS

To Top