WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Deeq ku sii jeeda magaalada Beledweyne oo ka anbabaxday magaalada Laascaanood-Video

Laascaanood (HM)-Deeq noocyo kala duwan oo hu’ maacuun, Cunto iyo Lacag isugu jirta ayaa maanta ka amaba baxday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool taas oo ku sii jeeda magaalada Baladeweyne xarunta Gobolka Hiiraan oo kol hore fatahaado waxyeelo gaystayn ku dhufteen.

mewsinside Deeqdan oo laga ururiyey bulshada qaybeheeda kala duwan, ayaa waxaa isu xilqaamay dhalinyaro iyo culimada magaalada Laascaanood taas oo la filayo in ay gaadho gobolka Hiiraan sida uu HM u sheegay Maxamed Axmed Maxamed oo ka mid ahaa mutadawiciintii hawshan isku xilsaaray.

HALKAN KA DAAWO

“Maanta waxaan diray agabkii aan diyaarinay aniga iyo laba xubnood oo kale beri baan baxaynaa wixii dhaqaale ahaana waan qaadaynaa si aan ugu wareejino gudiga hawshaa gacanta ku haysa” sidaa waxaa yidhi Maxamed oo intaas ku daray hadii loo baahdo oo xaaladu sii taagnaato waan wadaynaa hawsha xitaa miyiga ha gasho ayuu yidhi.
Odayaal Saxaafada la hadlay ambabixintii deeqdan ayaa si aad ah uga hadlay xanuunka ay ku hayso dhibaatada fatahaaduhu keeneen waxaanay Illaahay uga baryeen in u booga dhayo.

SOMALI NEWS

To Top