WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Suldaan Wabar oo waraysi xasaasi ah uga hadlay Jabhada Awdal & Dagaalka Soomaliland!!.

Boorame ( HM) Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar, oo hogaamiya Jabhad kasoo horjeeda  Somaliland, Kana howl gasha Gobolka Awdal ayaa maanta bixiyey wareysi xasaasi ah oo arrimo dhowr ah uu kaga hadlay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Suldaan Wabar ayaa sheegay in ugu horeyntii ay xukuumadu aysan marnaba dhag jalaq u siinin tabashadoodii, taasina ay sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah Xukuumada haysa talada Somaliland.

Suldaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay isku deyday in ay gacanta ku soo dhigto, isla markaana ay disho, balse ay u suurto gali weyday, waa sida uu ka dhawaajiyey.

Wabar ayaa waxa kale oo uu sheegay inuusan marnaba waxba ka sugeyn hogaamiyaha ugu sareeya Somaliland ee Muuse Biixi, maadama uu qarka u saaran yahay in uu kala dareeriyo beelihii Hargeysa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Suldaan Wabar ayaa waxa uu rajo la’aan weyn ka muujiyey in uu Madaxweyne Biixi keeni karo isbedel xal u noqon kara tabashadiisa iyo Jabhada uu hogaaminayo ee ka dagaalanta gudaha gobolka Awdal.

SOMALI NEWS

To Top