WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Xildhibaan Dhakool oo laga saaray gudi uu ku jiray & Xisbiga Wadani oo hanjabay.

Hargeisa  ( HM)  Afhayeenka Guud ee Xisbiga Wadani ee maamulka Soomaliland Barkhad Jaamac Batuun oo Warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa ka hadlay Go’aan looga saaray Gudigii Arimaha Gudaha  Xildhibaan Maxamed Axmed [Dhakool] oo kamid ah Baarlamaanka Somaliland iyo Arimo kala duwan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Xildhibaan Dhakool oo Gudiga Arimaha gudaha ku jiray 2005-tii ilaa maanta, ayaa looga saaray go’aan  la yaab leh, iyadoo lagu yidhi ka kac Fadhiga, Taasi oo Fowdo iyo Khalkhal abuuraysa, islamarkaana cadaynaysa inaan la doonayn inay doorasho Qabsoonto”. Ayuu yidhi Barkhad.

Wuxuu ka digay inay ka dhashaan Kacdoono Xoogan, Wuxuuna xusay inay Sharciga Jebiyeen Xukuumadii, Baarlamaankii iyo Golihii Guurtida ee ilaalin lahaa Sharciga.

Barkhad ayaa xusay inuu Xisbiga Wadani uu Tallaabooyin adag Qaadi doono, Wuxuuna Hogaanka Somaliland ugu baaqay inay Sharciga ilaaliyaan.

Xildhibaan dhakool ayaa inta badan Bulshadu siwayn u baratay Markii uu sheegay inaan 18-May la isku raacsanayn, Islamarkaana ay tahay mid cid gaar ah leedahay.

SOMALI NEWS

To Top