Xingalool ( HM) Cabdixakiin Dhoobo-Daareed Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland, ee Xilka laga qaaday Kadib markii Weerar lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka, ayaa Kulan wadatashi ah u Qabtay Waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Xingool ee Gobolka Sanaag.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Gudoomiye Dhoobo ayaa sheegay inuu Ilaaliyey Sharafta dadka uu matalayey iyo Xilkii uu u dhaartay, Balse uu Awoodi karay inuu Noqdo Qof Jeeb dad kale ku jira, Lacagtiisa iyo Gaadhi Qurux badana iska Qaata, oo ku Qanacsan in loogu yeedhu Gudoomiye.
“Bulshadu iyadoo gobolo ah ayay isku tageen, Anigu muhiim iima ahayn Kursigu, Waan Awoodi karay inaan iska Fadhiyo, oo Jeeb galo oo Xoogaa [Lacag] Iska Gurto, Laakiin waxaan Ilaaliyey Masuuliyaddii aan u dhaartay iyo magaciina oo aan sitay, oo u baahan inaan dhowro, Anigu sifo sharci ah baan ku imid, Taas ayaana ku tagi doonaa, Ama in dadka deegaanku uu ka tashado Puntland oo aan sidaas uga tago”. Ayuu yidhi DhooboDaareed.
Waxaa dhankooda hadalo ka jeediyey Munaasibadan Qaarkamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka oo taageeray Go’aanka Gudoomiye Cabdixakiin DhooboDaareed.