Xingalool ( HM) Gudoomiyahii Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo-daareed, oo dhowaan Xilkii ay ka qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanku, Balse Sharci darro ku tilmaamay Arintaasi ayaa soo gaadhay degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha oo ay Weheliyaan Ciidamo iyo Masuuliyiin kale waxaa soo dhowayn u sameeyay Waxgaradka deegaanka, Waxaana la filayaa inuu qaato go’aano uu kaga Fal celin doono Duulaankii ka qabsaday Garoowe iyo Xukuumadda Madaxwayne Siciid DENI.
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Safarka Xildhibaan Dhoobo-daareed ayaa sheegay inuu booqashooyin ku tegayo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Sanaag, isaga oo la tashiyo la sameynaya Waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Si kastaba Safarkan Gudoomiye Dhoobo Wuxuu ku muujinayaa inuu yahay Hogaamiye Haysta Dad iyo Deegaan, Wuxuuna dhowaan xusay in hadii la Xaq dhowri waayo Heshiiskii Puntland lagu dhistay in lagu kala tagi doono.