Garoowe (HM)-Taliyaha Ciidanka Booliiska maamulka Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Dhoobo-dareed ku eedeeyay is dagaalkii caawa ka dhacday xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee caasimadda Garoowe oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ka dhashay, Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa yidhi.
“ Sida Wax u dhaceen waxay ahayd, Baarlamanka ayaa mudadaanba waxaa lagu soo gurayey ciidamo malayshiyaad ah, ka bacdina taliyaha Qeybta ayaa tegay, oo yiri: meesha Booliiska ayaa mas’uul ka ah nabad-gelyadeeda. Waxaad yeelaysaan ciidankiina malayshiyaadka ahna dhinac mara, Booliisbaanuna keenaynaa. Intaa markii uu yiri baa xabad bay ku bilaabeen” ayuu yiri Gen Muxiyadiin.
“Ciidamadii malayshiyaadka ahaa oo meel gudaha ah ku jira oo isku uruursaday, in la soo saaro uunbay tahay arrintayadu, laakiin weerarna ma ahin dhib hadda taagan oo ama weerar ah ama dhibaato ahna ma jiro” ayuu sii raaciyay taliye Muxiyadiin Axmed Muuse.
HALKAN KA DAAWO
Wuxuu kale oo Taliyahan u muuqday inuu la saftay Xukuumadda uu Deni hoggaamiyo oo sidoo kale faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkaasi, ayaa sheegay in dhankooda uu ka dhintay hal Askari, laba kalena ay ku dhaawacmeen, balse wuxuu tilmaamay in uusan xog ka hayn khasaaraah gaaray dhinac kale.
Horufadhi News