Muqdiaho (HM)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa aqbalay baaq ay usoo jeediyeen madaxdii iyo siyaasiyiintii kala qeyb galay xafladii caleemo saarkiisa.
Baaqaas ayaa ahaa in madaxweynuhu uu wada hadal la galo cid kasta oo saluuugsanayd doorashadiisha islamarkaasna uu miiska wada xaajoodka ku dhameeyo khilaafka kasta oo Jubbaland dib u celinkara.
HALKAN KA DAAWO
“Waxaan diyaar u nahay si kasta oo aan uga garbixi karno inaan uga garbaxno cid kasta oo wax naga tabanaysa, hadday ahaan lahayd gudaheena ama dowladda federalka dhinaceeda,” ayuu yidhi Axmed Madoobe.
“Siday doonto ha u adkaato, waxaan diyaar u ahay inaan nabad ka shaqeeyo, laakin waxa aan ku kala bixi karno waa inay ahaadaan sharci” ayuu kusii daray hadalkiisa.
Hadalkaan ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka jeediyay xaflad lagu sagootinayay wafuudii ka qeyb gashay caleemo saarkiisa.