WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xubnihii mamulka Hargeysa ee u tagi lahaa Axmed Madoobe oo war cusub soo saaray-Video

Hargeisa ( HM) Wafdigii maamulka Somaliland ee dhowaan shaaciyey inay ka qayb galayaan Caleemo-saarka Dooda dhaliyey ee Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay ka Tanaasuleen.

HALKAN KA DAAWO

Xildhibaan Naasir Xaaji Shire ayaa sheegay inay Joojiyeen Safarkii ay ku tagi lahaayeen Kismaayo, Wuxuuna go’aankan qaatay kadib Markii ay Cadho xoogan dhalisay arintaasi.

Xisbiga Wadani iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi aqoonsi raadiska ah ayaa si kulul uga hadlay Wafdiga doonayey inay ka qayb galaan Caleemo-saarka Axmed Madoobe, kuwaasi oo sheegay inay dhirbaaxo Siyaasadeed ku tahay Somaliland, Islamarkaana ay muujinayso inay qayb ka tahay Nidaamka Federaalka.

Naaasir isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in loo baahan yahay inay Somaliland faragelin ku samayso arimaha Dawladda Federaalka, oo ay dagaal la gasho ilaa laga gaadho madaxtooyadda Soomaaliya, Sida uu hadka u dhigay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top