Cadaado (HM)-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenimadii Isniinta magaaladda Dhuusamareeb kusoo gabagabeeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug.
Ergooyin tiradooda lagu sheegay in ka badan 500 ayaa ka qeybgalay shirka oo socday isbuuc. War-murtiyeedka laga soo saarey waxaa lagu sheegay in la isku raacey dhismaha “maamul loo dhan yahay”
Bayaanka oo ka koobnaa saddex bog ayaa waxaa lagu xusay in wax laga bedelayo odayaasha dhaqanka, shuruudaha, habraaca iyo “saxitaanka khaladaad horey u dhacay”.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Qoraalka oo Horufadhi News heshay ayaa qodobadkiisa 7aad waxa uu xeerinayaa in dowladda federaalka awood u leedahay soo xulitaanka Xildhibaanada cusub.
War-murtiyeedka oo ku taariikheysan 16-ka bisha September ee sanadkan 2019, ayaa nan lagu xusin doorka ay qaadan doonan maamulka, odayaasha ama Ahlu Sunna.
Kahor doorashadda ayaa waxaa jiri doona shirar gaar gaar ah oo ay yeelan doonan beelaha kuwaasi oo lagu gorfeyn doono awood qeybsiga bulshooyinka.
Halkan ka akhriso.