Laascaanood (HM)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah maamulka Somaliland lagala geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo cuskanaya qodobka 7-aad ee Dastuurka Puntland ayaa lagu caddeeyay in aan wax gorgortan iyo wada-hadal ah laga geli karin xuduudaha Dastuuriga ah ee Puntland gaar ahaanna dhulka Sool sanaag iyo Cayn ay ka haysato maamulka Somaliland.
Hadalka madaxweyne ku xigeenka puntland ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka ka taagan dhulka ay Somaliland qabsatay ee Sool Sanaag iyo Cayn.
Halkan ka akhriso.