WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Deni oo aan dhag jalaq usiin warqadii Axmed Karaash xubnihiina dhaariyey-Video

Garoowe (HM)– Madaxweynaha maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta ka qabsoontay xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

Dhaarta kadib Siciid Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah wax uu ugu yeedhay Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah.

“Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Dowladda Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo la-tashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah,” ayuu yidhi Deni.

“Sidoo kale Madaxtooyada la-tashi badan oo dhaafsiisan cid walba oo waxgarad ah oo reer Puntland ah anagoo eegayney marxaladdan cusub dadka ku haboon, xeerinayneyna habka uu guddigani u shaqayn karo, la-tashigaa wakhti badan buunaga qaatay runtii, Alle ayaan uga mahadcelinaynaa taladaas kadib inuu go’aankii idinka noqday, anaga dedaal ayaa nafaran, Alle ayaa idiin-gartay inaad ka mid noqotaan, maantana Alle hortii ayaad u dhaarateen inaad masuuliyaddaas qaadaan,” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

HALKAN KA DAAWO WARKA

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa Guddiga u xaqiiyey inaanay dhanka dowladda kaga imaan-doonin duruufo siyaasadeed oo caqabad ku noqda shaqadooda.

“Duruufaha imaandoona anuu ka waramimaayo oo cilmi qayb ma ihi, waxaan cadaynayaa duruufo siyaasadeed oo dowladda ka yimid inaanay caqabad ku noqondoonin doorashada, wixii kale idinkaa u joogidoona, waxaan kaloo ku kalsoonahay maanta iyo shalay inay kala duwan tahay oo dadku maanta u bisilyahay nidaamka dimuquraadiga ah, waxaana daliil u ah doorashadii dhowayd qaybo kamida qabaa’ilada doorasho ayay kusoo xuleen xildhibaanadooda halkii uu hal qof qorilahaa,” Ayuu yidhi.

Dhaarinta xubnahan gudiga ku meelgaadhka ee doorashada puntland ayaa waxaa ay imaanaysaa xili uu taagan yahay khilaaf ka dhashay xubnahan oo u dhaxeeya Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

War qoraal ah oo xalay goor dambe kasoo baxay Madaxtooyada Puntland isla markaana uu warbaahinta soo gaadhsiiyey Madaxweynaha maamulka Puntland Axmed Karaasha ayaa waxaa uu xubnahan ku tilmaamay magacaabistooda mid sharci daro ah isagoo sheegay inuusan Deni kala tashan magacaabistan sidaas darteedna aysan waafaqsanayn Dastuurka Puntland.

Hase ahaatee Deni ayaa u muuqda in uusan dhag jalaq usiin warka kasoo yeedhay Axmed Karaash oo ah ku xigeenkiisa waxaana uu maanta ka qayb galay dhaarinta xubnihi khilafka dhaliyey isaga oo u muuqda in uusan u joojin hadalka Axmed Karaash.

Horufadhi News.

SOMALI NEWS

To Top