WARARKA SOOMAALI

Maleeshiyaadka Soomaliland oo Laascaanood ku toogtay Qof shacab ah, faahfaahin-Akhriso

Laascaanood (HM) – Ciidamo maleeshiyaadka Soomaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa xalay waxaa ay magaalada ku dileen Qof shacab ah oo kamid ah dadka deegaanka sabab la,aan.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Faarax (Soomadow), kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka Soomaliland  ayaa la sheegay in xilliga ay dilka u gaysanayeen ay wadeen wax ay ugu yeedheen howlgal hubka sharci darada ah lagu aruurinayo.hase ahaatee wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuumku uusan wadan wax Hub ah.

Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay u dileen ninkaasi shacabka ah hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in Marxuumka ay maleeshiyaadku amar kusiyeen isaga oo socda inuu istaago balse uu socodkiisa sii watay madaama uusan wax Hub ah waddan sabab uu u istaagana aysan jirin, sidaasna ay u dhacday inay toogtaan Marxuumka.

Maleeshiyaadka Soomaliland ee ku sugan gobalka Sool ayaa caadaystay daadinta dhiiga shacabka ee deegaanka iyo gabood falo gardaro ku dhisan oo aan loo miidaan dayin, waxaana ay maalinkasta sidan oo kale u toogtaan Hooyo aan waxba galabsan ,saxaafada oo ay jirdalaan xabsigana isaga hayaan ganacsatada iyo shacabka danyarta ah oo ay waydiiyaan Lacago Cashuur ah oo xad dhaaf ah.

Habeenadii u dambeeyay maleeshiyaadku waxay bilaabeen howl galo ay ku baadhayaan baabuurta magaalada dhex socota ee dad weynaha kuwa ka baxaya iyo kuwa soo galaya kadib markii ay weeraro xooggan oo mir ah kala kulmeen Jabhadda xoreynta gobalada SSC ee uu hoggamiyo COL.Faysal Falaalug.

Wixii warar ah ee kasoo kordha Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top