Boosaaso (HM)-Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay ku soo bandhigeen qamri iyo dadkii ka ganacsan jirey oo isugu jirey rag iyo dumar.
Dadka ka ganacsanayay qamrigan ayaa la horgeeyay maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Bari.
Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamed taliyaha qaybta booliska oo ka hadlayay goob fagaaro ah oo maanta Khamriga lagu burburiyay ayaa sheegay in magaalada Boosaaso iyo deegaannada kale ay weli ku harsan yihiin dad ka ganacsanaya,sidoo kalena isticmaalaya,kuwaas oo noocyo kale duwan leh.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Magaalooyin ka mid ah maamulka Puntland ayaa hore loogu qabtay qamri faro badan iyo dad ka ganacsanayay iyadoo qamrigana laga keeno dalka Ethiopia.
Warar sugan iyo Muuqaalo.