WARARKA SOOMAALI

Daawo:-indho indho oo Soomaliland usoo adeegsatay inuu u jawaabo madaxweynaha Puntland-Video

Laascaanod ( HM) Iyadoo Madaxwaynaha maamul gobaleedka Puntland Siciid Cabdullahi deni oo maalintii shalay ku dhowaaqay  inuu Wahadal  Nabadeed  uu maamulka Somaliland kala gelayo deegaanada ka maqan Puntland,  ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Xildhibaan  ka tirsan maamulka Hargeysa oo isla markaana ah xubnaha kasoo jeeda Gobalka Sool.

Cabdiqaadir Maxamed Indho-indho oo kamida golaha wakiilada ee maamulka Hargeysa ayaa marka hore sheegay inuu soo dhowaynayo Hadalka Madaxwaynaha maamulka Puntland ee Nabadda, Balse wuxuu sheegay in Gobolada Sool iyo sanaag aysan ahayn ahayn Puntland, Islamarkaana aan wax wada hadal ah laga geli Karin, Wuxuuna Puntland  ugu baaqay inay Koonfurta Soomaaliya  Wax la qaybsato oo Hogaamiso, Balse ay faraha kala baxdo Somaliland, Sida uu hadalka u dhigay indho indho oo ah Nin inta badan arrimahan oo kale Soomaliland u adeegsato inuu ka jawaabo isaga iyo Wasiirka Biyaha ee Maamulkas Saleebaan Cali Koore.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Indho-indho ayaa sidoo kale ku dooday in Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ay xadka  wakhtigii Ingiriiska Odayaashoodii sameeyeen iyadoo aan lagu khasbin, Waxaana la waydiiyey hadii dadkii Xiligaas Xadka sameeyay ay maanta diidaan waxa laga yeelayo, ?

Ugu dambayntii waxaa wax laga waydiiyey dhaqaalihii ay Puntland u Aruurisay deegano kamid  ah Sool iyo Cayn, Wuxuuna sheegay inay tahay wax laga  Xishoodo, Isagoo xusay inay Somaliland dhaqaale midkaas ka badan ku bixisay Laascaanood.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top