WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Xisbiga Waddani oo sheegay inuu isaga baxay heshiiskii Xisbiyada kale-Video

Hargeisa  (HM ) Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo sheegay inuu ka Baxay Guud ahaanba Heshiiskii ay dhawaan kala Sexeexdeen Sadexda Xisbi  ee Somaliland  kaasi oo  lagu soo Afjaray Khilaafkii doorashooyinka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hogaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sababta ay uga baxeen tahay ka dib markii Xisbiga Talada haya ee Kulmiye jabiyey Qaar ka mid ah Qodobadii Heshiiskii ay wada gaadheen.

Arintan ayaa kusoo aaday iyadoo maalintii shalay  uu Baarlamaanku meesha ka saaray dhaqan gelinta Heshiiskaasi.

SOMALI NEWS

To Top