Hargeysa(HM)-Ciidanka Booliiska maamulka Somaliland ayaa Saaka faahfaahin ka bixiyay dil xalay ka dhacay Xaafadda Qoob-dameeraad ee magaalada Hargeysa iyo nin loo soo qabtay dilkaasi.
Booliiska ayaa sheegay in ay soo qabteen nin lagu magacaabo Mustafe Sheikh Maxamed Faarax (Khaarajiye) oo da’diisa ay ku sheegeen 50 sano jir kaasi oo fiidnimadii xalay magaalada Hargeysa ku dilay nin kale oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Weyd (Caddaani) isna da’diisu ahayd 50 sano jir.