WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Baarlamaanka Kenya oo la geeyay Mooshin Ciidamo lagu gaynayo Badda Soomaaliya-Video

Laascaanood (HM)-Dowladda Kenya ee uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ayaa baarlamaanka dalkaasi waxay horgeysay mooshin ka dhan ah dalka Soomaaliya gaar ahaan xuduud badeedka ay muranka gelisay.

Hindisehaasi oo ay daba ka riixayaan Hogaamiyaha Aqlabiyadda, Aadan Barre Ducaale, iyo madaxa Xildhibaanadda laga tirada badan yahay ee John Mbadi, ayay mudaneyaasha dood adag ka yeesheen maanta.

Sharci dejiyeyaasha ayaa waxaa la filayaa in dood oo maalmo qaadan doonta, sidda la sheegayo, kadib ay cod u qaadan.

Qodobka ugu muhiimsan ee xeerkaasi ku jira ayaa ah in ciidamo milatari la geeyo goobta ay sheeganeyso xukuumadda Nairobi ee ku taala sohdinta badeedka ay la wadaagto Soomaaliya.

Goobtaasi oo badkeeda lagu sheegay 100 KM oo isku wareeg ah isla markaana hodan ku ah kheyraad dabiici ah sidda shidaal iyo Gaaska naqaska ah ayaa qariirada Afrika la eego soo jirta dhanka bari ee Soomaaliya.

Ducaale iyo Mbadi ayaa si wadajir ah uga dalbaday Xildhibaanadda in ay ansixiyaan qaraarkaasi iyaga oo qiil ka dhiganaya in uu yahay “mid difaacaya madax banaanida iyo dhulka reer Kenya”.

Talaabada ay qaadeyso xukuumadda Kenyatta ayaa wuxuu kusoo hagaageysaa iyadda oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay bisha September dib u bilaabeyso dhageysiga gal-dacwadeedkan.

Saxaafadda maxaliga ah ee Kenya ayaa horey u shaacisay in dalkooda looga cad-cad yahay in looga guuleysto dacwadda ayna ku fashilantay xukuumadda Kenyatta cadaadis diblumaasiyadeed oo ay Soomaaliya saartay.

Cadaadiska ayay Nairobi ku dooneyso in ay Muqdisho ku ogolaato wada xaajood taasi oo ay ku hungowday markii dowladda federaalka ah ay ku adkeysatay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka xeer-beegtadda caalamiga ah.

Kiiskan oo taagan tan iyo 2014-kii ayaa wuxuu mad-madow geliyay cilaaqaadka labadda dowladood ee deriska ah, kuwaasi oo xusul-duub ugu jira ka adkaahsiyaha dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Xiisadda ayaa karaar-qaadatay ka gedaal markii bishii Febraayo ay Kenya ku eedeysay Soomaaliya in ay beecineyso shidaal ku jira goobta ay muranka gelisay, taasi oo ay ganafka ku dhufatay xukuumada Muqdisho.

Go’aanka ay Kenya ciidamo ugu direyso xuduud badeedka ay sheeganeyso ayaa qayb ka ah talooyin loosoo jeediyay dowladda Uhuru Kenyatta oo ay ku jirto in gebi ahaanba ay Kenya ka baxdo dacwadda.

SOMALI NEWS

To Top