WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxtooyada Hargeysa oo sheegtay in Muuse Biixi Sucuudiga ugu dhoofay Baasaboorka maamulka Soomaliland-Video

Hargeysa (HM)-Madaxweynaha maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah Golihiisa wasiirada ayaa goordhow ka duulay magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaliland waxaana ay kusii jeedaan Dalka Sucuudiga halkaasoo uu Muuse Biixi ka helay Casuumaad Xajka ah.

Muuse Biixi ayaa waxaa si gaara u wehelisa Hooyadii iyada oo uu Muuse Biixi Sanadkan ka ka mid noqday Dad Dalka Sucuudigu usoo diray warqad Casuumaad oo Xaj ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Afhayeenka Muuse Biixi ee dhanka Madaxtooyada ayaa sheegay in Muuse Biixi oo sanadkan markii ugu horeysay Basaboorka Soomaliland ku tagayo Dalka Sucuudiga Taariikhda markii ugu horeysay sida uu hadalka u dhigay in kastoo aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijin kara warkan Madaxtooyada Soomaliland.

Mar wax laga waydiiyey Afhayeenka in Muuse Biixi Safarkiisa casuumada Xajka ah uu ku xidhay Shuruudo ayuu wuxuu sheegay warkaasi inuusan ahayn mid jira hase ahaatee Wargeyska Geeska Africa oo kamid ah Warbaahinta Soomaliland kuwooda loogu akhriska badan yahay ayaa warkaas sheegay sidoo kale Wargeyskan ayaa kamid ah kuwa u janjeedha dhanka Xukuumada Muuse Biixi.

 

SOMALI NEWS

To Top