WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Dacwad ka dhan ah maamulka Soomaliland oo loo gudbiyey Qaramadda Midoobay-Akhriso

Laascaanood (HM)-Kooxda la’adagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ee loo yaqaanno CGPCS, ayaa si adag maamulka Somaliland ugu cambaaraysay, siidaynta 19 Burcad-badeed ah oo aan weli dhammaysan xukunnii lagu riday.

Qoraal ka soo baxay kooxda CGPCS, ayaa lagu sheegay in go’aan Somaliland ku sii daysay maxaabiista Burcad-badeedda ah, uu si cad u curyaaminayo dagaalka midaysan ee Beesha Caalamku mudada 10 sano ah kula jirtay Qawlaysatada Xeebaha, dagaalkaasi oo keenay hoos u dhaca ballaaran ee ku yimid Burcad-badeeddii Xeebaha Soomaaliya.

CGPCS Waxay caddaysay in bishii September ee sannadkii 2018-kii, ay soo saartay qoraal ay Somaliland kaga dalbanayso in aan la sii dayn, maxaabiista xukuman ee Burcad-badeednimada ugu xiran Hargeysa, si aysan u dhiirri-gelin falalka Burcad-badeednimada.

Sidoo kale, Kooxdu waxay sheegtay in sii daynta maxaabiista, ay gebi ahaanba burinayso heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee dowladda Seychelles ay Somaliland ugu wareejisay maxaabiista.

Waxaa kale oo ay kooxdu sheegtay, in xukunka lagu riday Burcad-badeedda aan waxba laga beddeli karin, ilaa ay ka heshiiyaan dhammaan dhinacyada ku midaysan la’dagaallanka Burcad-badeedda.

Ugu dambeyntii Kooxda CGPCS, waxay Somaliland ku dacwaysay Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ay ka dalbatay in uu tallaabada ugu habboon ka qaado maamulka Somaliland.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhan

SOMALI NEWS

To Top