Laascaanood (HM)-Aasaaskii maamul ee Butlaan waxaa bilay ka qayb-galkii Garaad C/qani Garaad Jaamac, oo uu madaxweyne Cigaal ka sheegtay S.Land isla sidda hadda uu Muuse Biixi u garbinaayo Cali Khaliif–isla doonasho illaah. Shirarkii Beer illaa Baar-Hargaysa, nuxurka ismaaan dhaafka Garaadka iyo Cigaal wuxuu daaranaa: Garaadka oo ka horyimi kaligii talisnimada siyaasadeed ee Cigaal. Cigaal wuxuu ahaa kaligii-taliye si wacan u jila dimuqaaradiyadda, jilniinkiisii ugu cajiibsanaa wuxuu ahaa markuu yidhi ” waan is casilayaa!!” Odaygu kaftanyahan weyn buu ahaa. Cigaal wuxuu caaglaystay haayaddahii dawladda iyo madax dhaqameedkii; wuxuu ka hor yimi Axdi-qarameedkii nidaamka maamul lagu unkay, ee beellahuna ku hishiiyeen.
Garaad C/qani madaxuu ka lullay dhaqankaa madaxweyne Cigaal caadaystay, xaqna wuu ulahaa Garaadku, waayo innaadeerkii Siyaad Barre oo dal xoog badan hor fadhiya ayuu ka diidday–markaa may jirrin sabab uu ugu habrado waaxid Iidoor ah oo aan waxba la joogin. Aakhirkii Cigaal wuxuu Garaad C/qani ku qabsaday talladii beeshiisa Dhulbahante.
Cigaal wuxuu doonay innuu beesha u soo xulo xubinta noqonaysa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada; Cigaal wuxuu watay Ambassador Qaybe, Garaadkuna Axmed Cabdulle Sarkhaan.
Doodda Garaadku waxay ahyd: in saddexda qori ee Dhulbahante wax u qaybsado ay isaga iyo Qaybe isku qori yahiin (Faarax Garaad) markuu hadduu isagu hoggaankii dhaqanka ee beesha yahay, innuu booskaa u qoondeeyay labada qori ee kale midkood, waa Maxamuud Garaad iyo Baha-nugaalleedee. Cigaal wuxuu Sarkhaan u arkaayey nin iska caabiyi karaaya; beeshiisana awood ku dhex leh sidii Xaabsade oo kale, islamarkaaana saaxiib dhow la ah SNM-ta. Calmashada Cigaal ee ambassador Qaybe waxay iyana ku dhisnayd dhowr qodob.
– Ambassador Qaybe wuxuu nin qurbaawi ah, oo aan beeshiisa la xidhnayn, isla markaana aan ku fiicnayn siyaasadda gudaha.
– Saaxiib dhow ayey ahaayeen illaa 60kii iyo SNL. Sidda Maxamed Siciid Gees ku sheegay buuggiisa Dharaaro: Cigaal ayaa abaal uu ku lahaa Cabdullaahi Ciise awgeed, Qaybe uga dhammeeyay in Safiir loo magacaabo.
– Waxay ahaayeen Habarwadaag; siddoo kale midkoodna lama dagaalamin dawladdii Kacaanka, markaa waxaa la orankaraaya: wey is Faqashnimo weheshanayeen.
Garaad C/qani intaanu tolkii Majeertaan wax la dhisan wuxuu Hargaysa gogol ugu dhigtay haldoorkii beesha Isaaq, si ay ugu soo qabtaan Cigaal. Haldoorkii Isaaq ee goobta soo xaadiray, oo aanay cidi u maqnayni waxay iska saareen gudi hawsha gasha. Cigaal markii ay gudigii Isaaq uga warameen arrinka ay u socdaan, wuxuu ugu jawaabay ” Dhulbahante iyo Harti intay Somalilaand ka degaan ii soo sheega waan u jarayaaye!!,” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa kaga jawaabay ” Madaxweyne haddalkaasi mid meesha qabta maahee ka daa!!. Cigaal wuxuu ku celiyey ” waar ii sheega waan u jarayaayee”.
Dhacdadii Beer illaa Baar Hargaysa waxay ku soo gabagabowday, haddalkii caanka baxay ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Madar ku tiraabay ” la isu joojin maayo”. Mar hadduu madaxweyne Biixi na welli halkii taagan yahay, su’aasha xiisaha lahi waxay tahay: Cali Khaliif Galaydh isna kal dambe ma muunayndoonaa xafladda sannad guurada 22aad ee aasaska sirqada faderaalka Soomaalia ee Butlaan ?.
Waxaa jirta arrin taariikhda Somaliland afka laga meermeeriyo, oo welliba dayarta Isaaqa laga qariyo. Alle SWT ka sakow, Garaad C/qani waxuu ahaa ninkaa ka dambeeyay nabadda ka hirgashay Somaliland. SNM waxay si wacan u dagaal galisay beesha Isaaq, ka dibna Siyaad Barre na wuxuu isna dan u arkay inuu Daarood dagaal galiyo, si ay qabaa’ilku iskugu dhacaan.
Garaad C/qani wuxuu kow ka ahaa waxgaradkii fashiliyey shirqoolkii Siyaad. 1989kii wefti uu hoggaaminaayey Garaad C/qani kana koobnaa xubno haldoora sidda Maxamed Cali Caateeye, Fagadhe, Baashe Cali Jaamac, Cali Qamar iyo rag kalaba ayaa safar ku soo maray xeryahii qaxoontiga ee uu Isaaqu u qaxay. Safarkiisa ayaa abuuray jewi walaaltanimo oo naf qaybsi ahi, waana halka ay ku aroorto sirta nabadda Somaliland.
Sawirka Hoose: AHN Garaad C/qani Garaad Jaamac, oo wareysi ku bixinaaya xaruntii SNMta ee Baligubadle. Waxaa la fadhiyaa Kornayl Siciid Cali Giir oo SNM ahaa, ka tirsanaa Saraakiishii afgembigii 60kii dhicisoobay. Kornayl Siciid wuxuu ka mid ahaa xubno haldooroo beesha Dhulbahante kaga jiray jabhadii SNM.
W/Q: Xasan C/qaadir Yuusuf ( Hassan Garnayl)
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Warbaahinta Horufadhi Media News. HM, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.