Garoowe ( HM ) Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa Aragti ka dhiibtay go’aankii Puntland iyo Somaliland ay ku Qaadaceen Gudigii uu magacaabay Madawayne Farmaajo ee Dhab u heshiisiinta iyo Wadahadalka Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Puntland maaha wax ka duwan Soomaaliya inteeda kale, Dawladda dhexe iyada ayaa Awood u leh cida ay soo magacaabayso, Weliba xildhibaan Puntland doorashadiisu ahayd baa ku jira, Sidoo kalana kasoo jeeda Gobolada SSC oo noqon kara dhinaca Somaliland”.
Sidoo kale Qaar kamid ah Bulshada garoowe ayaa xusay in sifo khaldan loo xulay gudigan, iyagoo dhaliilay Qaabka loo Xulay.