WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Puntland oo ka hadlay xubno Dowladda Federaalku soo dirtay oo Boosaaso lagu xidhay-Video

Garoowe ( HM) Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid dalabkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la sii daayo xubnaha xiran ee ka tirsan guddiga dhismaha wadada Boosaaso, waxayna Puntland sheegtay iney Maxkamad soo taagayaan xubnaha la Xidhay, kuwaasi oo la sheegey in loo heysto kaalmo dhaqaale oo ay ka heleen dowlada Somalia taasoo loogu talo galay dhismaha Jidka Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Max’uud Xasan Ow Cusmaan ayaa sheegay in xubnaha la xidhaay loo heysto inay ku xadgudbeen Sharciga, isla markaana la soo taagayo maxkamad.

“Dadka xidhan waa muwaadiiin la soo eedeeyey, baaritaan baa la marinaya ka dibna maxkamad baa la geynayaa wixii uu sharcigu qabo ayey helayaan sii deyntooda iyo xukunkooda maxkamada ayaa go’aan ka gaadhi doonta” ayuu yidhi xeer ilaaliyaha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay ineysan jirin cid sharciga ka sareysa isla markaana qofka la soo eedeeyo aysan jirin cid sii deyn karta madaxweyne Farnaajo ama madaxweyne Deni midkuu doonaba ha ahaadee, waxaa sii deyn kara oo kaliya ayuu yiri maxkamad marka ay ku qanacdo ineysan dembi laheyn.

Hadalkan ayaa ku soo aaday xili Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala hadlay y Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni isagoo ka codsaday inuu shuruud sii daayo xubnaha la xidhay, maadaama aysan jirin wax dembi ah oo ay galeen.

SOMALI NEWS

To Top