Hargeysa (HM) –Saacadihii la soo dhaafay ayaa Warbaahinta dalka qaarkood waxa ay tebisay in amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya lagu siidaayay Markab sida Xoolo farabadan oo uu ka qaaday dekadda Magalada Berbera,hayeeshee sacuudiga uu ku xayiray dekad ku taalla dalkaas.
Hayeeshee waxaa warkaasi sicad u beeniyay Maamulka Soomaaliland oo sheegay in Markabkaas aan lagu siideyn amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), isla markaana wararka ay baahiyeen Warbaahinta uu yahay mid aan waxba ka jirin.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliland Cabduqaadir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Soomaaliland kula jirto dagaal Ganacsi oo adag,isla markaana Markabkii xoolaha siday ay wadahadal kusii daayeen dad Ganacsato waaweyn oo Reer Soomaaliland ah.
Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay haatan tahay mid dooneysa in Soomaaliland kasoo xirto meelo badan,hayeeshee taasi aysan soconeyn, isaga oo sicad u sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya uu siidaayay Markanka Xoolaha siday ee ku xayirnaa dekadad ku taalla dalka Sacuudiga.