Hargeysa (HM) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay ajaanib ka shaqeysa dekadda Berbera oo dad careysan ay weerar ku qaaden.
Muwaadiniinta reer Somaliland ee ka xamaasha dekeda Berbera ayaa todobaadkii la soo dhaafay weerar dhaawacyo culus sababay u geystay shaqaale Ajaanib ah oo ka howl-galayay isla dekedaasi.
Hind Jaamac Xersi, Wasiirka Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa si adag u cambaareysay falkaasi dhaawacyada culus loogu geystay 5-qof oo kamid ah ajaanibka ka howl-gala dekeda Berbera.
Hinda ayaa ka dhawaajisey in falkaasi ay ku kaceen dadkaasi uu ka soo horjeedo sharciga iyo dastuurka u dagsan Somaliland, isla markaana laga ogolaan doonin in dadka leyska weeraro.
Waxay sidoo kale xustay in qofkasta oo wax tabanay uu soo maro sifaha uu sharcigu u jideeyay in uu ku dhiibto cabashadiisa, iyadoona markale si adag uga digtay dadka ku kacaya falalkaasi inay caadeystan.
Hinda ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in xeerka Shaqaalaha rayidka Somaliland uu horyaallo Golaha wakiilada, isla markaana ay rajeynayaan in la ansixiyo Maalinta Khamiista ah ee so socota, kaasi oo wax ka qaban doonta cabashooyinka bulshada reer Somaliland kasoo gudbiyaan shaqooyinka la siiyo dadka Ajaanibka ah.