Laascaanod ( HM ) Qaar kamid ah isimada dhaqanka ee Gobolada SSC ayaa si adag ug ahadlay Wadahadalka La filayo inuu dhexmaro DF Soomaaliya iyo Somaliland, waxayna sheegeen inaanu metelin maamulka Hargeisa, deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxay sheegeen in Hadii dadka Somaliland ay doonayaan in la Ixtiraamo, Laga rabo dad kale inay iyaguna ixtiraamaan, waxayna xuseen inaysan wax tallo ah ku lahayn Somaliland, islamarkaana aanu Qusaynin Wadahadalkaasi.
Waxay sidoo kale ka hadleen Xubno dhowaan shir ku yeeshay Hargeisa oo sheegtay Harti Waqooyi, Waxayna Xuseen inaysan cidna matalin , oo ay yihiin dad shaqo tagay, Waxayna Somaliland ugu Baaqeen inay Faraha kala baxdo Arimaha Gobolada SSC.
Garaad C.risaaq Garaad Soofe , Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Garaad Saleebaan Buraalle, Suldaan Siciid Cismaan, Ugaas Faarax dheer, Boqor Cabdillaahi, Garaad C.salaam Xasan Maxamed, iyo Waxgarad kale ayaa Munaasibadda ka hadlay.