Garoowe ( HM) Waxaa mudooyinkii dambe Bulshadu ka war sugaysa Go’aanka kasoo baxa Kiiska Caasha Ilyaas oo ahayd Gabadh yar oo lagu Kufsaday magaalada Gaalkacyo kadibna dil loogu daray, taasi oo Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed ay siwayn uga Naxeen.
Waxaa maanta Maxkamadda Racfaanka gobol Nugaal ay mar kale dil ku xukuntay saddexdii nin ee loo haystay kiiska Caaisha Ilyaas iyadoo ku raacday xukunkii hore ee maxkamadda derejada koowaad ee Garoowe.
Qareennada nimanka la xukumay ayaa qaatay Racfaan kale oo 30 beri ah, waxaana loo gudbi doonaa maxkamadda sare ee Puntland.
Kiiska Caasha Ilyaas oo Qoyskeeda Cadaalad ay dalbadeen, ayaa Isha lagu hayaa sida loo Fuliyo Arintaasi.