Laascaanood ( HM ) Shir mudo 11-cisho ah uga socdey Magaalada Badhan Beelaha Degga Gobolka Sanaag iyo Galbeedka Gobolka Bari ayaa Laga soo saaray Qodobo dhawr ah, kuwaa lidku ah Somaliland iyo Ciidamada ay Deegaano kamid ah Bariga gobolka Sanaag ay keentay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Warsangeli ayaa sheegay In deegaankoodu aanu ka tirsanayn Somaliland, Islamarkaana aysan waxba ku darsan, oo Cid ku matasha aysan Jirin Somaliland, Waxayna sheegeen intay u taagan yihiin Midnimada Soomaaliya iyo Ilaalinteeda.
Sidoo kale waxay isku raaceen Difaaca deegaanka iyo dadka, Waxayna sheegeen inay tahay Waajib Wadaniyeed oo ay tahay in la guto, Islamarkaana loo Huro dhaqaalle Cudud iyo Ciidanba.
Shirku waxaa la isku raacay In Midnimada Bulshada deegaankaasi ay tahay Lama taabtaan, Waxayna Xuseen in Colaada deegaanka ay sabab u tahay Ciidamada Somaliland keentay deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag, Waxaana Shirku Puntland ugu baaqay inay Gudato Waajibka ka saran Deegaanada , Haylaan, Sanaag iyo Galbeedka Gobolka Bari.