Boosaso ( HM ) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash Iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo soo gaadhay magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Barri.
Waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay masuuliyiinta kala duwan ee maamulka Gobolka Bari, Iyo wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa safar shaqo oo gaaban, sidoo kale waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay safarka shaqo ee uu kusoo gaaray gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo nasiib u yeelatay inuu kusoo gaaro socdaalkiisii ugu horeeyey tan iyo doorashadii kadib. Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in uu safaro shaqo oo kale ku imaandoono gobolka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhanka kale socdaalka uu Axmed Karaash ku gaadhay Gobalka Bari ayaa waxaa uu baraha Bulshada ka dhaliyey buuq badan kadib markii uu Karaash ka gudbay iskuna miidaamiyey Toga weyn ee Sunijiif oo boqolaal baabuur ah ku xaniban yihiin.
Ugu dambayn Karaash ayaa inta uu joogo gobolka Bari shaqooyin muhiima ka qabandoona gobolka, waxaana uu kulamo muhiima la qaadandoonaa laamaha ammaanka, waxgaradka iyo shacab weynaha gobolka.