WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaaska Xildhibaan Dhakool oo sheegtay in Ciidanku Hanti sii qaateen markii ay qabteen-Video

Hargeisa (HM ) Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa Xalay Xabsiga dhigay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, Iyadoo Laga soo Qabtay Gurigiisa oo Ciidamadu ay ugu tageen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xaaska Xildhibaan Dhakool oo Warbaahintu Gurigeeda ay ku booqatay ayaa sheegtay in iyagoo Nabad ku seexday ay Ciidamo Albaabka Guriga kusoo Jebiyeen oo ay Xidheen Siyigeeda.

“Guriga waa la Jejebiyey Hurdadii iyo Fadhigii, Caruurtii waa laga Sasiyey, Si xaqdaro ah ayaa Gurigayga looso galay, Wax looga tagay ma laha Dahabkii iyo Moobiladii waxaa qaatay Ciidamada”.

Eedaynta ay jeedisay Marwada Xildhibaanku, Wax jawaab ah kama aysan Bixin Ciidamada Booliska.

SOMALI NEWS

To Top