WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gabadh Cali Khaliif Su,aal uga yaabsatay Magaalada Burco iyo Jawaabtiisa-Video

Laascaanood ( HM ) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii Khaatumo oo horay heshiis ula galay Somaliland iyo Prof. Axmed Samatar ayaa Xalay dood ku saabsan Arimaha Somaliland ku Qabtay magaalada Burco

Gabadh kamid ah dadkii madasha kasoo Qayb galay ayaa Dr. Cali Khaliif Waydiisay Su’aal lagu tilmaamay Midii ugu Xiisaha badnayd ee Madasha laga soo gudbiyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Adeer waxaad noo sheegtay inaad TABLIIQ ka Noqotay Somaliland danteeda iyo sida wax u jiraan, Horay waxaad usoo Noqotay Raysal wasaare, waxaad u tartantay Madaxwayne, ugu dambayn Waxaad Masiirkeeda Hogaamisay Ummad dhan [Khaatumo],   Adigoo si siman Somaliland ula gorgortamay, Maxaa sababay inaad hada  Tabliiq ka noqotid Somaliland oo marba aad magaalo Muxaadaro ku Qabto, Adigoo aan  aan ku Qaban Karin Badhan iyo Buuhoodle,     Ummadii aad hogaamin Jirtay side ayay ku dhici kartaa inaad matasho, iyagoo aan Aaminsanayn waxaad ka hadlayso ?

Dr. Galaydh oo ka Jawaabay Arintan ayaa sheegay inay tahay DANTU-SEETO,  Islamarkaana wuxuu sheegay inay wadi doonaan kulamada noocan ah, Isagoo kula kaftamay inay B kasii wadi doonaan ayna tegi doonaan Badhan, Boorama, Buuhodle ilaaa Berbera.

SOMALI NEWS

To Top