WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Galmudug Masuul aan 2-Sano Mushar qaadan oo Afka furtay-Video

Muqdisho (HM)-Qaar kamid ah xubnaha garsoorka dowladd goboleedka Gal-Mudug oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa ka cabanayo mushaar la’aan heysato muddo ka badan 2 sano.

Galmudug waxaa hadda jira muran aad u fara badan iyo maamulo is dhinac socda oo kala maamulo qaar kamid ah deegaanada iyo degmooyinka Dowladd Galmudug.

Sheikh Maxamed Guuleed Keynaan oo sheegtay inuu xubin ka yahay waaxda garsoorka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay inaysan wax mushaar qaadan tan iyo markii uu xilka ka degay C/kariin Xuseen Guuleed oo ah madaxweynihii hore ee dowladd Goboleedka Galmudug.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top