Muqdisho (HM) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Goordhow ku dhawaaqay in uu baaqday kulankii Maanta ee Golaha Shacabka .
Kulanka maanta waxaa xaadiray 164 xildhibaan, iyadoo markii hore uu guddoomiyaha baarlamaanka uu furay kulankii maanta.
Sababta uu kulanka u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay khilaaf ka dhashay Codkii loo qaaday warbaahinta,isla markaana xildhibaanada ay laba garab kala noqdeen
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Kulanka ayaa maanta baaqday ayaa inta badan waxaa soo xaadiray Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya si su’aallo looga weydiiyo Ammaanka dalka.
Kulankaan ayaa ah Mid si weyn isha loogu haayay Saacaddihii ugu dambeeyay Xaalad Amni daro oo daran ay ka jirto Muqdisho.