WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ka leh arrimaha amniga iyo Wasiirada Khayre oo la wacay..

Muqdisho (HM)-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah oo looga hadlayo ammaanka ku yeelanayaa magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo ammaanka.

Kulankan oo uu horay u iclaamiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta oo Sabti ah waxaa looga doodayaa oo kaliya arrimaha ammaanka dalka, gaar ahaan amniga Muqdisho oo maalmihii u dambeeyay sii xumaanayay.

Kulankan ayaa su’aalo lagu weydiinayaa mas’uuliyiinta laamaha ammaanka, iyadoo qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Mursal loogu yeeray Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu noqon doono mid dheeraada, iyadoo Xildhibaanada ay is qori doonaan si ay su’aalo u weydiiyaan Mas’uuliyiinta Ammaanka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si aad ah isha uga haya kulankan oo noqon doona kii u horeeyay ee looga yeero Mas’uuliyiinta Hey’addaha Ammaanka dowladda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ah Ra’iisul Wasaaraha kaliya ee aan hortagin Baarlamaanka, marka laga hadlayo la xisaabtan Hey’addaha Amniga, iyadoo la xusuusto Baarlamaanadii hore inay u yeeri jireen Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada, waxaana Baarlamaankii hore uu su’aalo ku saabsan ammaanka weydiiyay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid, Wasiirkii hore Amniga iyo Taliyihii hore Nabadsugida

 

SOMALI NEWS

To Top