Hargeisa ( HM) Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa si adag u dhaliilay Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida Somaliland, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay Wakhtiga badan ee ay Kororsadeen, Wuxuuna sidoo kale xusay in Riyo been ah lagu Nool yahay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhinaca kale Faysal ayaa ka hadlay dhibaatada Qabyaaladda ay ku Hayso Somaliland, Wuxuuna yidhi.
Somaliland hadii aysan Qabyaaladda iska dayn, Qofkasta meesha uu Joogo ayuu Xadayaa, Maayarka Hargeisa Qabiil ayaa lagu Daafacayaa, Sheekh aadan Siiro oo Weli kahadlaya miyaad Maqasheen Maayarka Hargeisa, waa Qabiil,
Muuse Biixi hadii aad wax ka sheegto Sacad Muuse oo dhan oo Qaylinaya, Balse Qofka xil haya waa in lala Xisaabtamo, Anigu Qabyaaladda waan iska tuuray oo Tolkay ima difaacaan”.