WARARKA SOOMAALI

Dawo:-Korneyl Caarre oo sheegay in uu qabtay Wasiirka gaashaandhiga Soomaliland iyo xiisad culus-Video

Laascaanood  (HM) ― Kornayl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ku sheegay in isaga oo garab ka helaya maamulka Puntland uu dagaal culus kusoo qaadi doono deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo xukuumada Somaaliland dhawaan geysay ciidamo badan.

Kornayl Caarre ayaa waxa uu hoggaamiya jabhadd la dagaalanta Somaliland oo ku sugan magaalada Qardho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Korney Caarre ayaa sidoo kale markii ugu horreysay sheegay in uu dhawaan gacanta kusoo dhigay wasiirka gaashaandhiga Somaliland, hasa ahaate uu kusii daayay ehelnimo.

Caarre ayaa horay uga tirsanaa saraakiisha sare ee ciidamada Somaliland, hasa ahaate isaga goostay kuna dhawaaqay jabhad la magac baxday dib u xoreynta Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top