WARARKA SOOMAALI

Banaanbax Soomaliland ka dhan ah oo ka dhacay Gobalka Sanaag..

Laascaanood ( HM ) Xiisada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagnayd Bariga Gobolka Sanaag, Kadib markii ay Halkaasi gaadheen Ciidamo ka tirsan Somaliland oo Fadhiisimo Cusub ka samaystay.

Banaanbax balaadhan oo looga soo horjeedo Ciidamada Somaliland ayaa haatan waxa uu ka soconayaa degmada Hadaftimo ee gobolka Sanaag.

Dadka banaanbax dhigaya oo isugu jira Waxgarad, Dhalinyaro iyo Haweenka ayaa lagu soo waramayaa in ay isugu soo baxeen waddooyinka waaweyn ee degmada Hadaaftimo iyagoona ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Somaliland.

Mid kamid ah dadka banaanbaxa dhigaya ayaa sheegay in banaanbaxa looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqa ay ciidamada maamulka Somaliland uu kawado gobolka Sanaag, waxaana uu sheegay in taageerayaan dowladda Puntland.

SOMALI NEWS

To Top