Hargeisa ( HM ) Xaflad oo lagu dhagax dhigayay Mashruuca Wadada isku xidhaysa Barbara ilaa wajale ayaa ka dhacday Deegaanka Halleeya ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa.
Waxa kasoo qaybgalay xafladan dhagax-dhiga ah madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wafti baladhan oo uu hogaaminayay madaxwaynaha dowlada deegaanka Soomalida Mustafe muxumed cumar marti sharaf kale iyo shacabka magaalada Hargaysa.
Wadadan ayaa dhararkeedu dhan yahay 250km taaso wax wayn ka qaban doonta isku xidhka dhaqaalaha ganacsiga maalgashiga iyo isdhaxgalka labada bulsho.
Mustafe Cagjar ayaa sheegay inuu ku Farax-sanyahay Mashruucan oo Faa’iido balaadhan u leh Bulshada, Wuxuuna Sidoo kale ka hadlay Siyaasadda deegaanka Soomaalida ee ku Aadan Somaliland, isagoo xusay inay dadku walaalo yihiin, Wuxuuna sheegay inay soo dhowaynayaan Ganacsatada Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Mashruucaan waa qeyb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya Waxaa bixinaya Midowga Yurub, iyadoo Imaaraatka uu bixinayo dhaqaalaha kale, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii Imaaraatku uu kula waregay dekada magaalada Berbera.