Muqdisho (HM ) Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka iyo hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa kulan madaxeedkoodii labaad ka furay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, ayada oo Trump uu sheegay inuusan ka laaban doonin dalabka Mareykanka ee ah in Korea-da Waqooyi ay baabi’iso hubkeeda Nuclear-ka.
Kim iyo Trump ayaa is gacanq aaday, ayaga oo dhoola caddeynaya oo hor-taagan raxan calamada labada waddan ah, kuna sugan hotelka Metropole ee magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam.
Trump ayaa weriyayaasha u sheegay inuu rumeysan yahay in wada-hadallada ay noqon doonaan kuwa miro-dhala, islamarkaana Mareykanka uu ku adkeysanayo in Korea-da Waqooyi ay dhigto hubka Nuclear-ka.
“Waxaan sameynay horumar wanaagsan, waxaan u malaynayaa horumarkan ugu weyn waa xiriirkeena, xaqiiqdii waa mid wanaagsan”
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Mar waxa laga weydiiyey inuu si rasmi ah u shaacin doono dhammaadka Dagaalka Korea, Trump waxa uu ku jawaabay “waan arki doonnaa”
Kim ayaa isna sheegay in isaga iyo Trump ay ka gudbeen caqabado dhowr ah, si loo qabto kulanka ka dhacaya Hanoi, islamarkaana ay muujiyeen dul-qaad badan tan iyo markii uu kulankii koowaad ka dhacay dalka Singapore, sanadkii tegay.
Intaas kadib labada hoggaamiyo ayaa gudaha galay wada-hadallo socon doonaa illaa khamiista oo albaabada ay u xiran yihiin, lana mid ah kuwii Singapore.