Kismaayo ( HM )-Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa saaka garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo u diiday masuuliyiin iyo dad shacab ah oo Garoonka diyaaraha kusoo dhawayn lahaa Xildhibaan Cabdirashiid XIDIG oo ka tirsan Baarlamanka Somalia, kaasoo doonayay inuu maanta magaalada Kismaayo uga dhawaaqo musharaxnimadiisa kursiga Madaxweynanimada Jubaland.
Ciidamada ayaa sidoo kale Jir dil u gaystay koox Wariyeyaal ah oo doonayay inay soo tebiyaan Musharax Cabdirashiid Xidid iyagoo sidoo kale gabi ahaanba jajabiyay qalabkii ay wateen Wariyeyaasha.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Maalmo ka hor waxaa garoonka Diyaaradaha Kismaayo si xoog ah ku galay Ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax oo xiligaasi kasoo dagayay Garoonka markii dambeba halkaasi ku shaaciyay Musharaxnimadiisa Doorashada.
Gudaha magaalada Kismaayo waxaa ka bilowday cadaadis xooggan oo la saarayo Siyaasiinta, Wariyeyaasha, Odayaasha, Dhalinyarada, Haweenka, taasoo dadka cadaadis lagu saarayo inaysan ka hadlin arrinaha doorashada.