WARARKA SOOMAALI

Deni oo Golihiisa Wasiirada Baarlamaanka hor geeyay..

Garoowe (HM)-Xildhibaanada barlamaanka Puntland ayaa dhagaysanaya khudbadaha xubnaha cusub ee wasiirada oo ay ku soo bandhigayaan qorshayaashooda iyo barnaamijyadooda ay ku hoggaamin doonaan wasaaradaha loo magacaabay.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad ka jeediyay kullanka barlamaanka, waxaa uu sheegay in xukuumadiisu ay xooga saari doonto arrimaha ay ka mid yihiin hirgalinta isbedelada ka dhacay Puntland iyo tayaynta hay’adaha dowladda, taabagalinta iyo saraynta sharciga si loo helo hay’ado dowli ah oo is-korjeegteeya iyo xoojinta wadashaqaynta laamaha kala duwan ee dowladda.

Wuxuu kaloo sheegay in xukuumadiisu ay dib u habayn ku samayn doonto hay’adaha amniga, xaqsiinta ciidamada puntland ay mudnaan gaar ah siin doonto. sidoo kale wuxuu sheegay in waqti hore ay bilaabi doonaan Nidaamka axsaabta badan si dadku u soo doortaan madaxdii matali lahayd

Khudbadiisa waxaa kaloo uu kaga hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland, nidaamka federaalka iyo shirka lagu ballansan yahay inuu ka dhaco Garoowe bisha Maarso kaasi oo lagu lafaguri doono khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Xildhibaanada gollaha wakiilada ayaa laa filayaa inay ansixiyeen xukuumadda Cusub oo ka kooban 48 xubnood oo madaxweynuhu soo magacaabay 11kii bishan February.

SOMALI NEWS

To Top