WARARKA SOOMAALI

Soomaliland xubno ka tirsanaa Xukuumaddii Siilaanyo oo Xamar ka degay isbuucan-Sawiro

Hargeysa (HM)-Soomaliland Saddex masuul oo xilal wasiirnimo oo kala duwan ka soo qabtay xukuumadii Axmed-siilaanyo ayaa  toddobaadkan ka degay magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Soomaaliya.

Sida ay qortay Warbaahinta Soomaaliland gaar ahaan Wargayska Geeska Africa logu magacaabo oo kasoo baxa Magaalada Hargaysa wuxuu sheega in Warar xogogaala oo uu u helay ay u xaqiijiyeen in saddexda masuul oo kala ah Wasiirul dawlihii Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye, Wasiir-xigeenkii qorshaynta Axmed Aadan Ismaacil (Kayse) Wasiir-xigeenkii caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo isaga uu Siilaanyo xilka ka qaaday ka hor ololihii doorashadii madaxtooyada ee 2017. Khadar iyo Axmed-kayse ayaa iyagu Siilaanyo la dhammaystay wakhtigiisii.

Si rasmi ah looma garanayo ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa socdaalka ay saddexdan masuul ee xilalka soo qabtay ay ku tageen magaalada Muqdisho, lamana garan karo in socdaalkoodu yahay mid siyaasadeed iyo inuu ku saabsanyahay dano shakhsi.

Soomaliland Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxaa uu qoray in uu  isku dayay inuu masuuliyiintan la xidhiidho si aanu wax uga weydiino  buu yidhi socdaalkooda balse waxaa uu sheegay in aysan waxba  uga suura galin isku daygaas.

Wasiirul dawlihii cadaaladda Khadar iyo wasiir-xigeenki qorshaynta Axmed-kayse ayaa iyagu ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE,  halka uu wasiir-xigeenkii Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo uu Siilaanyo xilka ka qaaday uu isagu ka tirsanyahay golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo uu ku biiray.

 

SOMALI NEWS

To Top