WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Garaad Saleebaan oo si kulul uga hadlay Dagaalka Tukaraq, Muuse Biixi iyo Xaaladda Laascaanood-Video+Warbixin

Garoowe (Horufadhi News)-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo kamid ah isimada ugu caansan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn gaar ahaan gobolka Sool ayaa si kulul uga hadlay Xaalada Gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Garaad Saleebaan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in shacabka kunool gobolka Sool aysan katirsanayn Somaliland aysana ku qanacsanayn inay ku biiraan maamul wax u dhimaya dowladnimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, Wuxuuna si gaar ah ula hadlay Wuxuu ugu yeedhay Jeegaanta iyo Muuse Biixi Cabdi.

Garaadku waxaa uu sidoo kale fariin kulul u diray Kuwo uu ugu yeedhay Calooshood u shaqaystayaal oo uu ka waddo Wasiiradda iyo xubnaha kale ee Beeshe dhulbahante kuwaas oo xilal kala duwan ka haya Somaliland isla markaana hadda garab taagan Somaliland iyo Dagaalka ay kula jirto Puntland.

Halka Garaad Saleeban ayaa imaanaya xili ay labada maamul is dhaafsanayaan eedaymo xoog leh iyo Hanjabaado xanaf leh kuwaas oo xiisad hor leh sii abuuraya.

SOMALI NEWS

To Top